ADNA AADAN”WAX DAGAAL AHI SOMALILAND DADKA DEGGAN IYO INGIRIISKA WELIGII MA DHEX MARIN!” .
XIGASHO QORAA MOHAMOUD IBRAAHIM.
Afeef: Adna Aadan qof ahaanteeda ka hadli maayo. Iyadu ka qof ahaan mar walba ixtiraam bay iga mudan tahay. Waxa aan dabasocdaa waa ‘HADALKEEDA RUNTA KA FOG.’
Waan hubaa in ayeeyaday Adna Aadan taariikhda dhulka Soomaaliyeed ee ay ka hadlayso in ay baratay. Waxa aanan hubin in ay illoowday iyo in kale. Laga yaabee in ay illoowday. Lagana yaabee in ay u badheedhay in ay dhallinta iyo dadka aan xog-ogaalka ahayn ay majare-habaabiso.
Ma hubo in ay ka fekertay cawaaqibka hadalkeeda. Ma hubo in ay dareensanayd in ay gef ka gelayso isirka Soomaali oo idil. Ma hubo in ay si miyir ah uga fekereysey dadka wada deggan dhulka ay isleedahay u qareen ee ay “Somaliland” u taqaanno. Ma hubo in ay dareensanayd in ay haybteeda gef ka gelayso. Ma hubo in ay xisaabta ku darsatay in ay gef ka gelayso Balligubadle oo ah magaalada reer awoowahay deggan yahay. Balligubadle dadkii lahaa gumeystihii Ingiriis baa xad ku kala qoqobay. Qayb ka mid ahna Xabashi siiyey iyada oo aan cid Soomaali ah oo uu kala tashaday aanay jirin. Nasiibdarrada jirta ayeeyaday Adna waa ay noolayd oo gabadh gashaanti ah bay ahayd, markii Hawd and Reserved Area uu Ingiriis Xabashi ku wareejinayey.
Hadalkeedii madalufinta iyo falliwaalida ahaa aan u soo noqdo. Waxa ay tiri;
“…Wax dagaal ahi Somaliland dadka deggan iyo Ingiriiska weligii ma uu dhex marin. La isma dilin. La isma toogan. La isma eryannin. Dhibaato la isuma geysan…”
Ayaayaday keligeed baa cidla gaardiyaysa. Aan soo qaato Ingiriisku waxa uu ka yiri arrintaa Adna Aadan.
Bal hadda goobtan dagaal oo keliya inta quruumood ee Ingiriis isu keenay si ay xooggaggii gobonnimodoonka Soomaaliyeed ee daraawiisheed ula dagaallamaan dhugta.
1) SOMALILAND 1903-104: The Fourth Campaign against the Mad Mullah
“…The numbering and composition of these companies was:
-1st Company, British, from The King’s Royal Rifle Corps (KRRC) and commanded by Captain G.C. Shakerley, KRRC. This experienced company had arrived earlier from the South African War theatre.
-2nd Company, British, mobilised at Fategarh, India, from the Rifle Brigade, Norfolk and Green Howard regiments. Commanded by Captain M.G.E. Bell, Rifle Brigade.
-3rd Company, British, mainly consisting of officers and men who had just completed a MI course at Bangalore, India. Commanded by Brevet-Major J.R.M. Marsh, Lincoln Regiment.
-4th Company, Somali, commanded by Captain T.N.S.M. Howard, West Yorkshire Regiment and 4th KAR.
-5th Company, Somali, Commanded by Major P.B. Osborn DSO, Oxfordshire Light Infantry and 3rd KAR.
-6th Company, Poona Mounted Infantry, six detachments of sepoys from Indian infantry regiments. Commanded by Captain W. Mitchell, 124th Baluchistan Infantry, Indian Army.
-7th Company, Umballa Mounted Infantry, eight detachments of sepoys from Indian infantry regiments. Commanded by Captain H.B. Ford, 31st Punjabis, Indian Army…”
Ciidammadani waxa ay duullaan ku ahaayeen xooggagii gumeysidiidka ahaa ee daraawiishta oo ka koobnaa Soomaali oo idil. Akhri lifaaqan hoose
http://www.kaiserscross.com/188001/484743.html…)
Bal hadda aan goob kalena soo qaato.
2) The Final Campaign against the “Mad Mullah”
http://www.kaiserscross.com/188001/566401.html
Bal ayeeyaday haddii cid gaadhi kartaa ay jirto taariikhahan dib ha loo xusuusiyo.
Mar kalena Adna Aadan iyada oo ka hadlaysa calankii Hargeysa laga taagay 26kii June 1960 waxa ay tiri, “…Markii calankii la Somaliland taageyna, sidii koodii loo salaamay ayay iyana [Ingiriisku] keennii u salaameen…’
Nasiib-darro, Adna Aadan maalintaas waxa ay ahayd qof shaqaynaysa oo masuul ah. Xaaskii ninkii xukunka la wareegay bay ahayd. Calanka la taageyna ma ahayn, wax cidi uga sheekaysaye, indhaheeda oo shan bay ku arkeysey. Calankii Buluugga ahaa ee xiddigta shanta gees leh ay ku taalley buu calankaasi ahaa. Ma jirin calan gaar ah oo “Somaliland” ay lahayd.
Ugu danbayn dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jaahwareeray siyaasiyiinta bahaloobay ee taariikhdoodii iyo ummadnimadoodiiba godka ku ridayaa, ha u dhug-lahaadaan sooyaalka isirkooda iyo ummadnimadooda. Siyaasadaha kala-qoqoban ee maanta tii aad doonto taageersanoow (inta xal ina wada-qanciya laga helayo) laakiin, ummadnimada, sooyaalka taariikhda, dhulka, dhiigga, dhaqanka iyo dhaqaaluhu waa uu inaga wada dhexeeyaaye aynu ilaashanno.
Yaanay iskaga keen khaldamin aragtitayaha siyaasadeed ee isbed-bedelka badan, iyo ahaanshaheenna ummadnimo.
Ingiriis inala heshiis ah, iyo Ingiriis inoo xabiib ahi ma uu jirine:- 1) Ingiriis waa kii muddada 21ka sannadood ah dagaalku ina dhexmarayey.
2) Waa kii ikhtiyaarkii iyo xornimadii inaga qaaday muddada 70ka sano ku dhow.
3) Waa kii dhulka Ogaden uu ula baxay Xabashida ku wareejiyey, isaga oo aan waxba inaga weyddiin.
4) Waa kii Hawd And Reserved Area Xabashi ku wareejiyey indhaheenna oo shan ah!
“TAASAA LA LEEYAHAY HA ISRAACDO!”
Xigasho Qoraa Sare Mohamoud Ibrahim (Xaaji)