Dhaqashada Gamaanka Fardaha oo dib ugu soo noqotay Degmadda Xuddun oo katirsan Gobolka Sool

Dhaqshada Fardaha oo dib ugu soo noqonaysa Gobolka Sool

Shaki kuma jiro in dhaqshada Gamaanka Fardood ay door muhiim ah ok lahayd nolosha Bulshada xoolo dhaqatada ah ee ku dhaqan dhulka Soomaalida xiliyadii hore.

Horumatka dhanka farsmada casriga ah iyo gaadiidka ku soo batay dhulka Soomaalida waxay saamayn aan wanaagsanayn oo taban ku yeelatay habdhaqakii xoolo raacatada Bulshada Soomaalida, siiba dhaqshada Geela oo dooxada Nugaaleed oo ah dhul juquraafi ahaan u samaysan Dooxooyin biyo mareen ah oo jooga Badda aan wax badan ka saraynin.

Dooxadda Nugaal godan waa dhul daaqsimeed qani ku ah geed hoosaadka iyo noocyada kala duwan ee geed cawsaadka, waxa intaa u dheer biyo joogta ah oo Gu, iyo jiilaal aan gudhin, waana taas ha suurto galka ka dhigtay iney so rasmi ah ugu dhaqmi karaan afarta Meesi ee xoolaha la dhaqdo iyo Gamaankuba.

Daaqsinka wanaagsan iyo biyaha joogtada ah ee mawaashigu ku dhaqmaan ayaana ahayd sababihii dhaqdhaqii Daraawiiseed ugu doorteen in Dooxadda Nugaal ay ka dhigtaan Saldhig ay kaga duulaan Isticmaarkii reer Galbeed ee Soomaaliya ku soo duulay qarnigii 19aad.

Hadaba inkasta oo dhaqshada Gamaanka Fardood ay hoos u dhacday Sanadihii burburkii Dawladnimada Soomaaliya, misana waxa xiligan muuqda xiiso iyo dareen kalgacal oo loo qabo in Fardaha dhaqshadoodu lagu soo celiyo Gudo Nugaaleed,hawd, Ciid iyo Sanaag.

Inkasta oo aanay jirin goobo lagu faraameeyo Fardaha misana qoysas badan ayaa oo reer miyi ah ayaa bilaabay in ay Fardaha dib u xanaaneeyaan , Sawirka halkan idiinka muuqdaa waa Dooxadda Degmadda Xuddun oo caan ku ahaan jirtay iney hoy u noqotoa kumanaan Fardo ah.

#Sidee u aragtaa akhriste in mar labaad ay soo noqoto Dhaqashada Fardaha ee Soomaalida.

Ahmed Ali Faarah
VOS Somali Tv

Related Articles

Stay Connected

0FansLike
3,745FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles